Tani waa tarjumaadda qoraalka asalka ah ee Faarisiga. Qoraalka asalka ah ee Faarisiga

بسم الله الرحمن الرحیم
Magaca Ilaahay ee Naxariis Guud iyo Naxariis Gaar ah Leh.

Walaalka sharafta leh, Mudane Dr. Mohsen Rezaei

Iyadoo la eegayo khibradahaaga qaaliga ah, halkan waxaan adiga, oo ka mid ah horseedyadii xilligii sharafta badnaa ee siddeedda sano ee difaaca muqaddaska ah, kuu magacaabayaa wakiilkayga Golaha Sare ee Amniga Qaranka. Waxaan rajaynayaa inaad guul buuxda ka gaarto gudashada masuuliyaddan muhiimka ah.

Sidoo kale waxaa loo mahadcelinayaa dadaalka habeen iyo maalinta ah ee walaalka qaaliga ah, Mudane Dr. Mohammad Bagher Zolghadr.

Haddii Ilaahay idmo, feejignaanta Sayidkayaga, Baqiyyatullaah al-Aczam (Ilaahay Kan sarreeya ha dedejiyo soo bixitaankiisa sharafta leh), hoostiisa, had iyo jeer ha ahaatid askari mujaahid ah oo u adeega ummadda sharafta leh ee Iran.

Sayid Mojtaba Khamenei