- Bogga hore
- Farriimaha
- 30 Maarso 2026
Jawaab ku aaddan Fariinta Tacsida iyo Bayca ee Xoghayaha Guud ee Xisbullaah ee Lubnaan, Sheekh Naim Qassem
Tani waa tarjumaadda qoraalka asalka ah ee Faarisiga. Qoraalka asalka ah ee Faarisiga
بسم الله الرحمن الرحیم
Magaca Alle, Naxariistaha, Naxariis Badane.
Walaalkay qaaliga ah ee mujaahidka ah, Mudane Sheekh Naim Qassem, Xoghayaha Guud ee Xisbullaah (ادام الله عمره وعزّه وعافيته – Alle ha dheereeyo cimrigiisa, ha waariyo sharaftiisa iyo caafimaadkiisa)
سلام علیکم و رحمة الله و برکاته
Nabadgelyo, naxariista Alle iyo barakadiisu korkaaga ha ahaato. Fariintaada tacsida ee ku aaddan shahiidnimada Hoggaamiyaha Weyn ee Kacaanka Islaamka, iyo sidoo kale muujinta jacaylka iyo kalgacalka walaalaha mujaahidiinta Lubnaaniga ah ee Xisbullaah, way i soo gaadhay.
Shaki la'aan, adkaysiga, istaagga iyo samirka ka dhanka ah cadowyada ugu madax adag ee adduunka Islaamka, kuwaas oo ah Maraykanka iyo ciidankiisa wakiilka ah ee gobolka, nidaamka Sahyuuniga ah ee dhiigyacabka ah, waxay ka mid ahaayeen sifooyinka ugu caansan ee Imaamka iyo Hoggaamiyaha shahiidka ah. Iska caabbintan iyo adkaysigani waxay socdeen sannadihii badnaa ee hoggaaminta hoggaamiyahaas weyn, bixinta shuhado qaali ah sida Xaaj Qasem Soleimani iyo taliyayaasha kale ee sare ee Ilaalada Kacaanka iyo Ciidanka Qaranka ayaana ah markhaatiga ugu weyn ee saxnaanta jidkan.
Shaki kuma jiro in taariikhda Iska Caabbinta Islaamku ay ka buuxdo jihaad, geesinimo iyo jeclaanta shahiidnimo; taliyayaasha Iska Caabbintu, ka hor mujaahidiinta kale, ayay naftooda u hureen jidkan iyagoo aan ka cabsanayn hanjabaad kasta. Laga bilaabo shahiidka Sheekh Raaghib Xarb iyo Sayid Cabbaas Muusawi ilaa shahiidka qaaliga ah, Sayidka Shuhadada Iska Caabbinta, Sayid Xasan Nasrallah, iyo Sayid Haashim Safiyyuddiin, dhammaantood waxay ahaayeen tusaalooyin jidkan iyo habkan.
Adiga oo laftaadu ku jiray safka hore ee Iska Caabbintan barakaysan ee Lubnaan, maanta, xilligan xasaasiga ah ee taariikhiga ah, ayaad hoggaaminaysaa dhaqdhaqaaqan. Aqoonta aan u leeyahay garaadkaaga, caqligaaga iyo geesinimadaada, waxaan rajaynayaa inaad awoodi doonto inaad fashiliso qorshayaasha cadowga Sahyuuniga ah oo aad jebiso, oo mar kale aad ummadda qaaliga ah ee Lubnaan dhadhansiiso dhadhanka xasilloonida iyo sharafta.
Mar kale waxaan si adag u caddaynayaa in siyaasadda go'an ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, ee sii wadidda jidka Imaamkii geeriyooday iyo Hoggaamiyaha shahiidka ah, ay ku dhisan tahay sii wadidda taageerada Iska Caabbinta ee ka dhanka ah cadowga Sahyuuni-Maraykanka ah.
Mar kale waxaan kaaga mahadcelinayaa muujinta la-qaybsigaaga murugada, waxaanan adiga iyo dhammaan walaalaha mujaahidiinta qaaliga ah idiin rajaynayaa guul iyo sharaf.
والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Nabadgelyo, naxariista Alle iyo barakadiisu korkiinna ha ahaato.
Sayid Mojtaba Hosseini Khamenei
10/Farvardin/1405 (hijriga qorraxda), oo ku beegan 10/Shawwaal/1447 (hijriga dayaxa)