- Bogga hore
- Farriimaha
- 28 Oktoobar 2026
Jawaabta Warqadaha Koox Arday Jaamacadeed ah
Tani waa tarjumaadda qoraalka asalka ah ee Faarisiga. Qoraalka asalka ah ee Faarisiga
باسمهتعالی
Magaca Alle ee Sarreeya
Salaan ilmahayga qaaliga ah;
Waan akhriyay warqadihiinna kalgacalka ka buuxo. Waxaan idinka mahadnaqayaa wanaagga badan ee aad i tuseen, idinka oo ah arday jaamacadeed oo dhallinyaro ah oo hammi sare leh, dhammaantiin oo xaq igu yeeshayna waxaan idiin ducayn doonaa si gaar ah.
Warqadihiinna, iyo kuwa dhallinyaro iyo arday jaamacadeed oo badan oo addoonkan yar u muujiya wanaag iyo kalgacal, waxaa ka iftiimaya go'aan, rabitaan iyo dareen mas'uuliyadeed oo lagu dhisayo mustaqbalka. Axdigan adag waa amaano qaali ah oo xididdadeedu ku qotomaan dugsiga Islaamka saafiga ah ee Nabi Muxammad (naxariista iyo nabadgelyada Alle korkiisa iyo ehelkiisa ha ahaato) iyo dhaxalka Khomeini-gii weynaa iyo Khamenei-gii shahiidka ahaa (Ilaahay ha sare u qaado darajadooda sharafta leh), waana xadhigga inaga dhex xidha «ballan-wadaagga» aynu wada leenahay.
Ujeeddadaas awgeed, intii aad kartaan isku hubeeya hubka cilmiga iyo iimaanka, nafta-daahirinta, u dhowaanshaha Alle iyo garashada qotada dheer ee aqoonta Qur'aanka iyo Ahlul-Bayt (nabadgelyo korkooda ha ahaato), shaqo iyo hal-abuur laba jibbaaranna ku kordhiya xoogga iyo awoodda Iran-ta qaaliga ah, si, barakada ducada sayidkeenna naxariista badan (Alle ha dedejiyo soo bixitaankiisa sharafta leh), socodka ciidamada ballanta wadaaga ee u jeeda heerarka ugu sarreeya ee horumarka iyo ilbaxnimada Islaamiga-Iraaniga ah uu u xaqiiqoobo si ka wanaagsan oo ka degdeg badan, haddii Alle idmo.
Sayid Mojtaba Hosseini Khamenei
6/Aban/1405